Maantoo Kale Allaha U Naxariistee M/weynihii Hore C/llaahi Yuusuf Axmed oo Is-Casilaadiisi Ku Beegneyd.

0
456
Toban sanno ayaa laga jooga markii maanta oo kale madaxweynihii dowladda kumeelgaarka ahayd ee Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed is-casilaaddiisa ka horjeediyay Baarlamaanka oo xilligaas fadhigiisa ahaa Baydhabo.
Waxaa uu marka sabab uga dhigay is-casilaaddiisa dhowr qodob oo kala ah in Axdiga u degsan dowladda oo la baal-maray, isla markaana la sameeyay waxyaabo aan sharci ahayn, in dowladda  ay taageerro ka weysay beesha caalamka, In Xoogagga ka soo horjeeda dowladda  ay inta badan dalka  soo qabsanayaan, iyadoo aaney jirin awood ay dowadda wax uga qaban karto iyo qodobbo kale.
Cabdullaahi Yuusuf, ayaa warqada uu isku casilay ku wareejiyay xilligaa  Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ahaa guddoomiyaha Baarlamaankii dowladda kumeelgaarka ahayd,iyadoo Qaar kamid ah warbaahinta ugu horreyntii ay si dhaqso leh usoo tabiyeen is casiladda madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf 29kii bishii December ee sannadkii 2008 oo maanta laga joogo toban sanno.
Bishii October ee sannadkii 2004tii ayaa madaxweynaha dowladda Soomaaliya loo doortay Cabdullaahi Yuusuf oo bishii Maarso ee sannadkii 2012 ku geeryooday isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee waddanka Imaaraadka Carabta.
Waxa lagu xasuusto waxaa ka mid ah inuu la dagaallamay maxkamadihii Islaamiga, la dagaallankii al-Itixaadkii Soomaaliya , inuu ahaa Madaxweynihii u horreeyay ee Villa Somalia fariista, kaddib tobanaan sanno oo ka soo wareegatay burburkii dowladdii milateriga aheyd ee uu hoggaaminayay Marxuum Maxamed Siyaad Barre iyo inuu dhisay maamul gobolleedka Puntland.
Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yusuf Axmed wuxuu ku dhashay tuulo ku dhow magaalada Garoowe sannadkii 1934-tii sida uu ku qoray buuggiisa Halgan iyo haragrdaamo.
Cabdullahi Yusuf waxa uu dowladdii Maxamed Siyaad Barre u xirnaa wakhtiyadii u dhaxeeyey dabayaaqadii 1969-kii ilaa bartamihii 1975-tii.
Markii la soo daayeyna Cabdullahi Yusuf waxa uu u shaqeeyey dowladdii Maxamed Siyaad Barre, ka dibna waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyaashii miletri ee dowladdii Siyaad Barre u dirtey dagaalkii Soomaaliya iyo Itoobiya dhexmarey sannadkii 1977kii.
Bishii September ee 1978dii waxa uu ka mid ahaa dad mucaarid ku noqdey dowladdii Siyaad Barre oo dhisey Jabhadii la magacbaxdey SSDF, taas oo uu Cabdullahi Yusuf madax u ahaa dhowr sanno, ka hor intii aan Itoobiya lagu xirin.Mar kale ayuu Cabdullaahi Yuusuf madex u noqdey SSDF intuu u dhaxeysey 1991 – 1997.
Wuxuuna ciidanka Soomaalida ka gaaray darajada Gashaanle Sare. Waxay rafiiq ahaayeen Jen. Caydiid oo isku gobolna ahaayeen, isla xirnaan jireen, dagaalkii Itoobiya ay ka wada qayb galeen isla markaana heshiis meelmar noqday ay ka gaareen colaad Gaalkacyo ka taagnayd horraantii 90-maadkii.
Sannadkii 1998 ayaa Cabdullahi Yusuf Axmed loo doortey inuu noqdo madaxweynaha dowlad-gobolleedka Puntland ee Soomaaliya.