Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde Airport oo uu Maanta Kormeer Ku Tagey R/wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya.

0
416
Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya ahna ku-simaha ra’iisul wasaaraha ,Mahadi Maxamed Guuleed ayaa maanta kormeeray shaqooyinka ka socda garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cusmaan ee magaalada Muqdisho.

Ku-simaha ra’iisul wasaaraha oo ay wehliyaan wasiirka duulista hawada iyo guddoomiyaha gobalka Banaadir ayaa xog-waraystay howlwadeennada garoonka.

Mahadi Maxamed Guuleed,ayaa ku ammaanay wasaaradda duulista hawada sida ay horumarinta ugu samaysay adeegyada bulshada safarka ah u fududeynaya socdaalkooda, waxa uuna kula dardaarmay in ay sii laba jibbaaraan.

Garoonka caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan oo shaqeeya habeen iyo maalin ayaa waxaa xilligaan ka muuqda horumar dhinac waliba ah, waxa uuna wasiir Oomaar ballan qaaday in ay joogtaynayaan horumarinta garoonka iyo guud ahaan arrimaha duulista guud ahaan dalka.