Doorashada M/weyne ee Puntland oo Qaar Muraxiinta Kamid ahi Ku Baaqeen In Laga Fogaado Wixii Carqalad Gelin kara Doorashada.

0
452
Musharrixiinta xilka madaxweynaha Puntland ee doorashada bisha Jannaayo ee sannadka 2019ka oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Garoowe ayaa ka hadlay arrimo la xiriira doorashada.
Musharrixiinta oo afar qodob kulankooda ka soo saaray, waxaa ay ka digeen faragelin lagu sameeyo doorashada, qodobbada kulanka ka soo baxay ayaa u qornaa sida hoose ku xusan;
1-Amniga caasimadda xilliga doorashooyinka waxaa lagu heshiiyay in looga dambeeyo taliyaha amniga oo arrinta loo igmaday , wixii soo kordhana lagala xiriiro guddiga Isimadda .
20-In dadka Puntland iyo siyaasiyiintoodaba xaq u leeyihiin shirar siyaasadeed , sida dastuurka Puntland ku cad wixii aan khatar ku ahayn amniga guud ee dalka
3- Waxaa taliyaha amniga xilliga doorashooyinka laga codsanaya inuu si guud iyo si gaar ah ula xiriiro musharrixiinta ciidamadooda si loo sugo oo loo hufo amniga caasimadda
4- Waxaan marka koowaad iyo marka labaad iyo mar saddexaadba ka digeynaa wax alle iyo wixii faragelin ah oo doorashada Puntland faragelin ku ah in aad looga fogaado dalka gudihiisa iyo dibadiisa labadaba
Siddeeda bisha Jannaayo ayaa loo ballansan yahay in Puntland ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha waxaana marba marka ka dambeysa sii kordhaya loolanka ay musharrixiintu ugu jiraan ku guuleysiga kursiga madaxweyne ee Puntland.