Magaalada Muqdisho oo Diyaaradda Ethiopian Airline Ay Duulimaad Toos ah Ka Bilawday Maanta.

0
357

Dayaaradda Ethiopian Airlines oo maanta Jimco ah duullimeedkeedii ugu horeysay ka bilaawday muddo ka badan 40 sano kaddib magaalada Muqdisho ayaa waxaa la socday ilaa 50 qof oo rakaab ah.

Dayaaraddan oo nooceedu ahaa Boeign 737 ayaa la sheegay in dullimaadkeedii Addis Ababa- Muqdisho ku sameysay wax ka yar laba saacadood, waxaana kabtanka diyaarada ama duuliyuhu aheyd qof dumar.

Qunsulka koowaad ee safaarada Soomaaliya ee Addis Ababa Cabdullahi Maxamed Warfaa oo ka mid ah rakaabkii la socday diyaarada ayaa yiri Ganacsiyada labada dal ayuu duullimaadkan sahlayaa, waxaana mar dhow bilaaban doona duullimaadyada qaada xamuulka, waana guul u soo hoyatay ganacsatada Soomaaliyeed”

Munaasabad kooban oo lagu soo dhaweynayay diyaaradaha oo ka dhacday garoonka Aadan Cadde waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo uu ka mid ahaa Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Salaad Oomaar.

Wax yaabaha la yaabka leh waxaa ka mid ahaa in xitaa gudaha diyaaradaha intii ay hawada ku soo jirtay lagu dhigay xaflad kooban oo loogu dabaal-dagayay bilowga dullimaadkan u dhaxeeya labada magaalo.

 Waa diyaaradihii ugu weyneyd ee heer caalami ah oo soo caga-dhigata Garoonka Aadan Cadde marka laga soo tago Turkish horay dullimaad toos ah uga bilaawday Muqdisho.