R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo Maalintii Sadexaad Ku sugan Dalka Sucuudiga.

0
372

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maalintii Saddexaad booqasho rasmi ah ku jooga dalka Boqortooyada  Sacuudiga, isaga oo kulamo kala duwan halkaa kula leh madaxda ugu sareysa dalkaasi oo uu ka mid yahay Boqor, Salmaan binu Cabdulcasiis.

War Qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaare Kheyre ayaa lagu sheegay ‘’Ra’iisul wasaare Khayre iyo Boqor Salmaan waxey ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Sucuudiga, iskaashiga dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda”.

Waxaa kale oo qoraalka lagu sheegay in Khayre uu sidoo kale kulamo la qaadanayo madaxda Bangiga horumarinta Islaamka, oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, iyo “maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka”.

Ra’iisal wasaaraha iyo wafdiga la socda waxaa Muqdisho ka qaaday Talladadii todobaadkan diyaarad qaas ah oo uga timid dalka Sacuudiga.