Markab Laga Leeyahey Dalka Hong Kong oo Burcad Soomaali ah Weerar Ku Qaadeen.

0
342

Burcad baddeed Soomaali ah ayaa weeraray Markab laga leeyahay Hong Kong ,kaa soo mareeyay  xeebaha Bari ee Soomaaliya toddobaadkaan, waana qeyb ka mid ah khataraha wali taagan oo ay burcad baddeedu ku hayaan Maraakiibta iyo Doomaha ganacsi.

Weerarku wuxuu dhacay Talaadaddii, Oktoobar 16-keedii, markii koox ka kooban afar burcad-badeed oo ku hubaysan qoryaha AK-47 ,islamarkaana la socday donyar ay weerareen Markabka lagu Magacaabo MV KSL Sydney.

Weerarkii ayaa la aaminsan yahay in uu yahay dhacdadii labaad ee burcad-badeed ee laga soo sheego xeebaha Soomaaliya sannadkaan.

Bishii Febraayo, MT Leopard Sun, oo ah markab kiimikada qaada oo laga leeyahay Singapore ah, ayaa waxaa soo weeraray burcadbadeed hubeysan ku dhowaad meel u jirta  160nm xeebta bari ee Soomaaliya, laakiin weerarkaasi waa uu guuldareystay markii ciidanka Ilaaladda Markabka ay la dagaallameen Burcadda.