Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobey UNHCR iyo Soomaaliya oo Ka Wada Hadley Qaxooti Ku Go’doonsan Dalka LIIBIYA.

0
393
Wasiirka Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa kula kulmay magaalada Geneva ee dalka Switzerland guddoomiyaha hay’adda Qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobey (UNHCR) Filippo Grandi, waxa uu kala hadlay barnaamijka dib ugu celinta dalka si iskeed ah qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Kenya, Yemen iyo Liibiya.
Boqollaal  Soomaali ah ayaa  go’doon ku ah dalalka aan xasillooneyn ee Yemen iyo Liibiya, halka tiro kale oo muddo ku nooleyd xeryaha qaxootiga ee Kenya ay doonayaan inay dalkooda dib uga laabtaan.
Qorshaha dib u celinta qaxootiga Soomaaliya ayaa socday labadii sanno ee u dambeysay,waxaana qorshaha uu sababay kumannaan ruux inay dalka dib uga soo laabtaan,kulanka hadda ee Geneva ayaa sidoo kale looga dooday kaalmo u fidin degdeg ah oo lala gaaro qaxootiga kahor intaanan dalka dib loogu celin iyo kaddib.
Waxaa goobjoog u ahaa kulanka Ergeyga Joogtada ee Soomaaliya u qaabilsan Xarunta Qaramada Midoobey ee Geneva, Marwo Faadumo Cabdullahi Maxamuud (Insaaniya), Safiirka Soomaaliya ee waddamada la isku yiraahdo (Benelux) iyo xarunta Midowga Yurub ee Brussels Dr. Cali Siciid Faqi, Guddoomiyaha hay’adda Qaranka ee Arrimaha Qaxootiga iyo Barakacayaasha, Mudane Axmed Cabdikarim Nuur (Axmed-Daahir) iyo Ergeyga gaarka ee Soomaaliya ee Tahriibka iyo Xuquuqda Caruurta, Marwo Maryan Yaasiin Xaaji Yuusuf.