Xubnaha Aqalka Sare oo Diiday Ka Qayb galka Kalfadhiga 4’aad ee Barlamaanka Federalka Soomaaliya.

0
359

Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa ka soo horjeestay ka qeybgalka munaasabada furitaanka Kalfadhiggii Afaraad ee Golaha Shacabka oo xiligan-ka socta xarunta Jen Kaajiye ee magaalada Muqdisho.

Qaar ka mid ah senator-ada Aqalka Sare ayaa inoo sheegay in kalfadhigooda aanu maanta furmi doonin, isla markaana maalinta berri uu furmi doono.

Labadii Kalfadhi ee u dambeeyay ayaa si wadajir ah loo furay Kalfadhiyada Baarlamaanka Labada Aqal.

Xoghayaha baarlamaanka Cabdikariin Xaaji Buux ayaa warbaahinta u sheegay in furitaanka Kalfdhigga Afaraad ee gobolaha Shacabka u baaqan doonin ka qeybgalid la’aanta golaha Aqalka sare.

Waxaa muuqanaya uusan wanaagsaneyn xiriirka ka dhaxeeya labada aqal, taasoo muujineysa in Aqalka sare qorsheynayo munaasabad u gaar ah.

Aqalka Sare oo ka kooban 54 Senator ayaa marka loo eego saameynta dhanka siyaasadda waxaa kaga xooggan Golaha Shacabka oo inta badan u idman howlaha la xisaabtanka hey’adaha dowladda, gaar ahaan Xukuumadda.

wars0m2011@gmail.com