Wiil Dhalinyaro ah oo Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dawladda Federalku ku Toogteen Xaafada Say Biyaano.

0
387

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw oo maanta ah ku toogtay xaafadda Seybiyaano ee magaalada Muqdisho wiil dhalinyaro ah oo watay gaari yar oo ku raaxda ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ciidamada si bareer ah u toogteen ninkan dhalinyarada, kaddib-na ay goobta isaga cararreen.

Ciidamo kale oo ka tirsan isla dowladda oo gobta tagay ayaa la sheegay in ay halkaa ka qaadeen marxuumka oo magaciisa ku soo koobeen Dayax.

Lama oga ujeedada ka danbeysa toogashada ciidamada dowladda ay u geysteen qofkan ku socdaalayay gaariga, hasse ahaatee dad goobta ka agdhawaa ayaa sheegay in ciidamada dilka geystay wateen gaari Cabdi Bile ah.

Dhawaan ayeey aheyd markii askari ka tirsan ciidamada dowladda loo soo xiray dilka gabar 9 sano jir aheyd oo la soctay Bas –ka Dugsigii ay wax ka baran jirtay.

warsom2011@gmail.com