Khilaafka Soo Kala Dhexgaley Dawlada Dhexe iyo Maamul Goboleedyada oo Aqalka sare Xal u Raadinayo.

Qoraal laga soo saaray kulan maanta magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubnaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa sheegay in uu bilaabayo goluhu socdaal xal doon ah oo la doonayo in leysugu soo dhaweeyo maamul gobolleedyada iyo dowladda dhexe oo khilaaf xoogan uu soo kala dhax-galay.

Sidoo kale aqalka sare ayaa ka dalbaday maamul gobolleedyada in ay joojiyaan khilaafka dhaxdooda ah iyo mooshinnada la sheegay in laga keenay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta dowlad gobolleedyada si fursad loo siiyo waanwaanta la bilaabayo.

Guddiga ayaa sheegay in wafuud loo dirayo dhammaan deegaanada maamul goboleedyada, si ay warbixin dhab ah uga keenaan, sidoo kale waxaa baaq ay u direen dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Akhriso Qoraalka ka soo baxay guddiga :

warsom2011@gmail.com

Share on Facebook