Dalka Yemen oo Dagaal Aad u Daran ka Dhacey iyo Xaaladu Sida ay hadda Tahey(Dhimasho iyo Dhaawaca)

0
362

Wararka ka imanaya dalka Yemen ayaa sheegaya in tiro dad ah ay ku dhinteen dagaal xooggan oo ka dhacay agagaarka magaalada dekadda leh ee ay Xuutiyiinta haystaan ee Hodeida.

Ila wareedyo laga helayo xarumaha caafimaadka ayaa laga soo xigtay in dagaalkan lagu dilay in ka badan 70 ka tirsan mucaaradka Xuutiyiinta.

Waxaa sidoo kale ila wareedyada caafimaadka ay intaa ku darayaan in ciidamada gacan saarka la leh dowladda ay ka dhinteen 11 qof.

Isku dhacyadani ayaa ka dambeeyay ka dib markii ay guuldareysteen dadaaladii ay waday Qaramada Midoobay ee lagu doonayay in la isugu keeno dhinacyada Yemen ku dagaalamaya.

Wadahadalada nabada ee Yemen ayaa lagu waday in ay magaalada Geneva, ka billaabmaan maalmo ka hor.

Waxaa mar walba laga cabsi qabay in dagaal xooggan oo ka dhaca Hodeidah uu sababi karo in uu saameeyo shaqada dekadda magaaladaasi.

Dekadda magaaladani ayaa ah meesha uu inta badan ka soo dego gargaarka bina’aadanimo ee dalka Yemen.

Dalka Yemen ayaa qarka u saaran macaluul ka dilaacday sida ay hay’adaha gargaarka sheegeen.

warsom2011@gmail.com