Dalka Eritrea oo kasoo Muuqan Waayey Shirka Urur Goboleedka EGAD waa Maxey Sababtu?.

0
361

Sida muuqata waxaa dib u dhac uu ku yimid dib ugu soo laabashadii xubin-nimada Urur gobolleedka IGAD ee dowladd Eritrea, iyadoo aysan iman shirka Addis Ababa wafdi ka socda xukuumadda Asmara.

Sidoo kale waxaa shirka ka soo muuqan madaxweyne Isaias Afwerki oo markii hore la saadaalinayay in uu tagi doono madasha shirka ee Addis Ababa oo la filayay in looga dhawaaqo dib ugu soo laabashada Eritrea ee iGAD.

Xog-hayaha guud ee Urur gobolleedka IGAD Maxbuub Macallim oo BBC arintan wax ka weydiisay ayaa sheegay in heshiiska ku saabsan dib ugu soo laabashada Eritrea ee xubinnida IGAD uu dhacay, laakiin kaliya ay dhiman tahay in lagu dhawaaqo.

Dhinaca kale shirka ayaa lagu soo gunaanaday xaflad ay heshiis awood qaybsi ah qalinka ku wada duugeen madaxweyanaha South Sudan, Salva Kiir, iyo ku xigeenkiisii hore ee uu dagaalka dhex maray, Riek Machar, kaasoo lagu so afjarayo 5 sano dagaal ahli ah uu waddankaas ka socday.

warsom2011@gmail.com