Wasiirka Arrimaha Debedda Soomaaliya oo Sheegay in La Xaliyey Isku Day Xarig wasiir ku xigeenkii Wasaaradda.

0
2

Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in la xaliyay khilaaf ka dhashay isku-day ciidamo ka tirsan dowladda isku dayeen in ay ku soo xiraan wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Wasiirka ayaa sheegay isaga oo ku sugan Garoowe in ay jirtay in maxkamad amar ku bixisay in la soo xiro wasiir ku-xigeenka, hasse ahaatee qalalaase ka dhashay kaddib arintaa la xaliyay, waxaana uu wasiirku sheegay in arinta uu soo dhax-galay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xassan Cali Kheyre.

Amarka xariga wasiir ku-xigeenka ayaa la sheegay in uu salka ku hayo khilaaf soo kala-dhaxgalay hanta-dhowrka guud, Wasaaradda maaliyada iyo Wasaarradda arrimaha dibeda oo la xiriira dakhliga soo gala Wasaarrada arrimaha dibeda Soomaaliya.

warsom2011@gmail.com