R/wazaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo Doonaya In Arrinka Dawlad Deegaanka Soomaalida Nabad Lagu Dhameeyo.

0
393

Ra’iisal wasaaraha Itoobiya oo mar kale ka hadlay xaalada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegay in ay muhiim tahay in xalinta xiisadaa loo maro wada-tashi nabadeed.

Waa markii labaad ee ra’iisal wasaaruhu uu ka hadlo xaalada deegaanka todobaad gudihii, wuxuu-na sheegay in uu aad uga xumaaday rabshada iyo bur burka hantiyeed ee ka dhacay gaar ahaan labada magaalo ee Jigjiga iyo Dirir Dhawa.

Sida laga soo xigtay madaxa shaqaalaha Fitsum Arega, “Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in xaaladda la xakameyn doono lagu-na xallin doono wadatashi nabadeed, isaga oo ku booriyay dad-weynaha in ay dib ugu noqdaan nolal maalmeedkoodi caadiga ahaa.

“Wuxuu tacsi u diryaa ra’iisal wasaaraha dadkii wax ku noqday rabshadaha naxdinta lahaa ee Dirir Dhawa iyo Jigjiga,wuxuu faray in deg deg loo soo afjaro dhibaatooyinka iyo rabshadaha jira “madaxa-shaqaalaha ra’iisal wasaare Abiy

Fara-galintii ciidamada federaalka Itoobiya ee Jigjiga ayaa sababtay in ay lunto nolashii caadiga aheyd ee magaalada dad kuna dhax maquurtaan mowjado rabshado ah oo ka dhashay saameynta siyaasadeed iyo is badalka guud ahaan dalka ka curtay.

Waxaa xilka isaga tagay madaxweynihii laga soo bilaabo 2005 maamulayay deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo hadda laga hayo magaalada Addis Ababa.

warsom2011@gmail.com