Magaalada Diri Dhabe ee Ismaamulka Soomaalida oo iyana Rabshado ka Dillaaceen.

0
447

Wararka ka imaanaya magaalada Diri-dhabe ee DDSI ayaa sheegaya in rabshado la mid ah kuwii shalay ka dhacay Jigjiga ay halkaas qarxeen.

Xaafadda Ashawa ayaa la sheegay in ay rabshaduhu ka billowdeen, waxaana irdaha loo laabay meheradaha suuq halkaa ku yaalla oo la yiraahdo suuqa Ashawa.

Rabshadahaas oo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa la sheegay inay ku fideen meelo kale oo ay ka mid tahay xaafad la yiraahdo Xaafad Ciise.

Xaalad fowdo iyo jahawareer ah ayaa laga soo sheegayaa inay magaalada Diri-dhabe ku jirto, ayadoo hadba dhinac la isu eryanayo.

Dhallinyarada rabshadaha wada ayaa ku hubaysan budhadh, baangado, faasas, middiyo IWM.

Dad goob joogeyaal ah waxay BBC u sheegeen in boolis ka tirsan federaalka Itoobiya ay magaalada soo galeen si ay u kala dhex galaan oo ay u kala eryaan dadka rabshadaha wada.

Gaadiidka caadiga ah ee magaalada iyo kan dadweynaha ayaa gebi ahaanba istaagay.

Inkastoo uu khasaare jiro, misna lama hayo tiro sheegaysa dhimasho iyo dhaawac.

warsom2011@gmail.com