Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP oo Sheegtay in ay Soomaaliya ka Iibsaneyso Galeyda.

0
460

Hey’adda Cunnada adduunka ee WFP ayaa oggolaatay in ay iibsato Galeyda beeraha Soomaaliya, kaddib baaritaan lagu ogaaday in ay tahay nuuca ugu wanaagsan Galayda Bariga iyo Bartamaha Afrika arintaas oo Soomaaliya u oggolaatay in ay ku biirto waddamada WFP Galeyda ay ka iibsato.

Munaasabad Axadii lugu qabtay Bakhaarrada WFP ee dekadda Muqdisho oo looga hadlayay iskaashiga dib usoo noolaynta wax soo saarka beeraha ayaa lugu shaaciyay hay’adda Cunnada adduunka inay ka iibsan doonto beeraleyda Soomaaliya Galeyda.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed oo munaasabadda ka qeybgalay ayaa sheegay in heshiiska WFP ay ku oggolaatay in Soomaaliya ka iibsato Galeyda uu horseedayo in dhaqaale badan uu soo galo beeraleyda kadibna ay soo iibsadaan qalab casri ah oo sare u qaadaya wax soo saarka beeraha dalka iyo warshado waaweyn oo Galeyda u bedela cunnooyin kale oo bulshadu u baahantahay, waxa uuna beeraleyda ku dhiirri geliyay in ay kordhiyaan tacabka beeraha.

 

WFP ayaa horey u keeni jirtay Soomaaliya Galey laga keennay dibadda oo la geyn jirey deegaannada ay abaaruhu ka dhacaan, waxaana qorshaha ay hey’adda ku oggaalatay in ay iibsato Galeyda soo dhaweeyay beeraleyda oo ku dhiirranaya inay kor u qaadan biirista miraha Galeyda oo markii hore qiimo badan aan ku fadhin.

warsom2011@gmail.com