Xisbiga Midnimada Jamuuriga Soomaaliyeed oo Hambalyo Ku Aadan Sanadguuradii 58’aad ee Xoriyada 1da july u Diray Umadda Soomaaliyeed.

0
605

Madaxda Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyyed ayaa Hambalyo Ku Aadan Sanad guurada 58’aad ee 1da July U Diray Umadda Soomaaliyeed Meel Kasta oo Ay Ku Noolyihiin iyagoo u Rajeeyey Sanadkan Kiisa Kale in ay ku Gaaraan Horumar iyo Barwaaqo.

Cali Maxamed Nuux Timajilic Gudoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa Isaga oo ku Hadlaya Magaca iyo Xubnaha Xisbiga waxa uu Hambalyo u Diray Gudigaga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka,Xukuumadda,Barlamaanka,Madaxda Xisbiyada iyo Xubnaha Xisbiyada Siyaasadda Soomaaliya iyo Dhamaan umadda Soomaaliyeed Meel kasta oo ay Ku Nooshahey,isagoo ugu Hambalyeeyey 1da July 58 guuradaii kasoo Wareegtey Malintii Xoriyadda Gobolada Koofureed Ka Xoroobeen Gumeystihii Talyaaniga iyo isku Darsankii Gobolada Waqooyi iyo Koonfur Sanadkii 1960kii.

Ku gaara Barwaaqo Baraare iyo Horumar Sanadkan Sanadkiisa Insha allaah Wada jirka ayaad Meel ku gaari kartiine Gacmaha Is Qabsada Xisbiyada Dalka ka Hana Qaadeyna Hala Taageero oo kamid Noqda ayuu Gudoomiye Timajilic Hadalkiisa kusoo Gunaanaday.

warsom2011@gmail.com