Labo Dhalinyaro ah oo Alshabaab Qisaas ka Fuliyeen Kadib Dil ay Hore u Gaysteen G/Jubada Dhexe.

0
359

Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe gaar ahaan degmada Jilib ayaa sheegaya in Al-shabaab meel –fagaro ah ku toogteen Labo ruux oo dhalinarro ah kuwaa oo ay ku eedeeyeen in ay horay u dileen Nin reer Miyi ahaa.

Dhalinyaradan toogashada lagu fuliyay ayaa magac-yadooda lagu kala sheegay Gaabow Yare Ibraahim oo 36 Sano jir ah iyo Maxamed Bashiir Cabdi oo 29 Sano jir ah kuwaas oo horay dil ugu geystay nin Xoolo dhaqata ah oo lagu magacaabi jiray Guudle Caddaan Xasan.

Goobta ay toogashada ka dhacday oo meelfagaro ah aheyd waxaa isugu yimid boqolaal ruux oo dadka degaanka ah, kuwaasi oo daawanaayay qaabka xukunka uu u dhacayay.

Al-shabaab ayaa deegaannada ay ka mamulaan dalka ka fuliya inta badan xukunnada noocan oo kale ah, kuwaa oo gaar ahaan marka la eego u badan dad ay ku eedeeyaan basaas-nimo.

warsom2011@gmail.com