Doonyo Daabulay Dadka ku Go’doonsan Xaafadaha Degmada Beledweyne oo Kusoo Badanaya Deegaankaas.

0
420

Doomahan ay ku deeqeen qaar ka mid ah hay’addaha samafalka ayaa la bilaabay in lagu soo samatabixiyo qoysaska ku dhax go’doonsan xaafaddaha ay daadadku ku dhufteen.

Biyaha ayaa hadda ku socda xaafaddo ay markii hore taariikhda inta la xasuusto aysan gaarin, waana fatahaadii ugu cusleyd oo ay martigaliso magaalada Beledweyne sida ay Warsom u sheegeen qaar ka mid ah wax-garadka magaalada oo waayo badan u soo joogay fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Doonyahan ayaa Soo Badanaya Iyagoo Gacan ka Geysanaya Samata Bixinta Dadka Daadadku Ku Ftaheen,iyo Maatida aan Awoodda laheyn,waxeyna Dadbadani Maanta Baledweyne ula Muuqataa in Biyuhu Ka Dhigeen Badweyn aan Abid Hore loo Arag,waxaana Gabaabsi Sii noqonaya Gar gaarkii Hore usoo gaarey,oo aad Moodo in Dadkii Gurmadka ka Qayb Qaadanayey ay Caajiseen.

Dhalinyaradan ka shaqeneysa Doomaha dadka lagu soo samatabixinayo oo aan xiriir la sameynay ayaa inoo sheegay in ay Boqolaal ruux oo carruur ay ka mid yihiin ka soo saareen xaafaddaha magaalada.

Sidoo kale waxaa ay  sheegeen in ay heleen meydka qof dhalinyaro ah oo loo maleynayo in uu ka mid ahaa dadkii dhawaan ay Cagafta kula gadoonta xaafadda Xaawo Taago, gaar ahaan Buundo-koowaad oo uu maro Togga ugu weyn ee biyaha ku dara Wabiga Shabeelle.

Wax-yaabaha la yaabka leh ee muujinaya xadiga biyaha ay saameynta ay leeyihiin ayaa waxaa ka mid ah laamiga dheer ee dhaxmara bartamaha magaalada oo ay markii hore ay isticmaali jireen gadiidka in hadda lagu marayo Doono taasoo muujineysa jooga biyuhu ka sareeyaan dhulka.

warsom2011@gmail.com