Inta Badan Markii La Maqlo Fadhi Barlamaan oo Waddooyinka Magaalo Madaxdu Xiranyihiin.

0
383

Ciidamada ammaanka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xalay saq dhexe xiray wadooyinka waa-weyn ee magaalada Muqdisho, maadaama maanta lagu balansan yahay kulanka Baarlamaanka.

Sida ay Warbaahinta Warsom u sheegeen qaar ka mid ah dadkii ku lugeeyay qeybo ka mid ah magaalada waxaa lagu arkayaan ciidamo aad u hubeysan oo dadka iyo gadiidka ka celinaya in ay adeegsadaan jidadka caasimada qaarkood.

Isgoysyada saakay xiran ayaa waxaa ka mid ah Digfeer, KPP, Bakaaraha, Hawl-Wadaag, Foloransa, Tarbuunka, Sayidka, Shaqaalaha KM4 iyo Isgoyska Dabka, iyada oo sidoo kale ay jiraan wadooyin kale oo xiran.

Gaadiidka rayidka ayaa loo diidayaa dhamaan Isgoysyadan inay maraan, kaliya waxaa loo ogol yahay kuwa ay wataan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo weliba Gaadiidka ciidamada si buuxda loo hubinayo.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si aad ah uga dhawr sugaya waxa ka soo baxaya kulanka Baarlamaanka oo xildhibaanada ay laba qeybood ugu qeybsameen, iyada oo laga cabsi qabo in gacan ka hadal uu ka dhaco.

warsom2011@gmail.com