Daadad Sababey In ay Qaataan Sadex Ruux oo Magaalada Hargeysa Ka Da’yey Ilaa Xaley iyo Maanta.

0
453

Saddex qof ayuu xalay qaatay Daadad waaweyn oo uu dhaliyey roob ka da’ay magaaladda Hargeysa, waxaana la badbaadiyey 48 qof iyo 34 gaadiid ah.

Roobaabweyn ayaa illaa xalay iyo saaka ka da’ayey magaaladda Hargeysa iyo hareeraheeda, waxaanay roobabkaasi keeneen khasaare dad iyo duunyaba iskugu jira.

Ciidamada kala duwan ee Somaliland ayaa xalay iyo saakaba heegan ku jiray ay u gurmanayaan dadka roobabku waxyeeleeyey oo qaarkood illaa hadda raq iyo ruuxtoona lahayn.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa sheegay in roobabkaasi dhaliyeen inay daadadkii soo rogmaday ay qaataan dad badan oo intoodda badan la soo badbaadiyey marka laga reebo saddex qof oo laba caruur yihiin.

Roobkan ayaa bilaabmay bacdo makhribkii ilaa xili dambana da’ayey, waxaanu mar kale dib u bilaabmay saaka salaadii subax, waxaanu wararku sheegayaan in roobabkani xoolo badana ku laayey gobolada galbeedka Somaliland.

Gobolo badan ayaa mudooyinkan dambe laga soo sheegayey abaar, haseyeeshee nasiib wanaag roobabkan lagu qabowsaday ayaa dadkii walaaca ka qabay jiilaalka ka dajinaya.

warsom2011@gmail.com