Ciidamo U Dhashey Dalka Jarmalka oo Tababar usoo Gaban Gabeeyey Ciidamo Soomaaliyeed.

0
422

Dowladda Jarmalka ayaa shaacisay in ay soo gabagabeeyay howlihii tababarada ee la siin jiray ciidamada dowlada Soomaaliya oo ay ka wadeen gudaha dalka Soomaaliya saddeedii sano ee la soo dhaafay.

Dowladda Jarmalka ayaa Maalin ka hor sheegtay in howlaheeda tababarrada iyo la talinta xagga Ciidamada Soomaaliyeed ee ay ka wadday Soomaaliya u weecin doonto gargaarka iyo Gacan ka geysashada arrimaha Bini’aaddannimada.

Ciidamada tababarayaasha Jarmalka oo aan tiradooda la shaacin ayaa qayb ka ahaa howl-galka midowga Yurub ee Soomaaliya, kuwaasoo tan iyo Sanaddii 2010-kii ku sugnaa Soomaaliya, iyagoo tan iyo xilligaa soo tababaray 5,600 oo Askari.

warsom2011@gmail.com