Qalab Mareykanku ugu Deeqay Amisom oo ay Ka Mahad Celiyeen Saraakiisha Midawga Africa.

0
426

Danjire Francisco Madeira Wakiilka gaarka ah ee howlgalka midowga Africa AMISOM ayaa ugu mahad ciliyay Dowladda Mareykanka qalab shalay ay gudoonsiiyeen, qalabkaas oo ciidamada AMISOM ka caawin doono sahanka iyo arimo kale.

Madeira ayaa hadalkan ka sheegay munaasabad uu ku guudoomayay qalab cusub oo ay ugu deeqday dowladda Mareynka oo lagu daahfurayay garoonka diyaaradaha militariga ah ee Balidoogle, ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo shalay howgalka AMISOM lagu gudoonsiiyay qalab la sheegay in uu ka saacidi doono helida xogta

Qalabkan ayaa ah diyaaradda nooca aan duuliyaha laheyn ee loo adeegsado war doonka iyo sahanka, waxaana la sheegay in ay la socon karto dhaq dhaqaaqa illaa 70 Mile,

Qalabkaan shalay la gudoon siiyay hogaanka ciidamada AMISOM ayaa imaaneysa xili dhowr jeer ay horay hogaanka ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMOSOM ay codsadeen in laga caawaayo qalab xoojiya ciidamada si ay meesha uga saaraan Al-shabaab.

Madaxa howlgalada Mareykanka ee Soomaaliya, Martin Dale, oo hadal kooban ka jeediyay munaasabada hogaanka AMISOM kula wareegayeen qalabkaan ayaa carrabka ku adkeeyay sidii ay dowladda Mareykanka uga go’an tahay in ay caawiso Midowga Afrika, waddamada ciidamada qaybta ka ah AMISOM wuxuuna sidoo kale sheegay in ay dadaal ugu jiraan sidii ay Soomaaliya nabad heli u laheyd.

warsom2011@gmail.com