Gudomiyaha Garabka Haweenka XMJS iyo Gud.kuxigenka Gudiga Madaxabanaan ee Doorashoyinka Qaranka Somaliyeed oo Ku kulmey Dalka SWEDEN.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Iyadoo Beryahan ay Xubno ka Tirsan Gudiga Madaxa-banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Socdaalo ku Kala Bixinayeen Caalamka Daafihiisa Si ay Kulamo ula Yeesheeshaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku Nool Dalka Debeddiisa Ayaa Gud. Garabka Haweenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Mawro Nastexo Cilmi Weheliye oo Booqasho iyo Hawlo Xisbiga ah Halkaa ku jootey Waxey Kulan La Qaadatey Xubno uu Horkacayey Gud.kuxigeenka Gudiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliyeed Mudane Sayid Cali iyo Xubno La Socdey.

Wafdiga Gudiga Doorashooyinka ayaa kulan waxa ay la yeesheen Jaaliyadda Soomaalida ee Ku nool Dalkaasi Sweden Iyagoo wax iska Waydiiyey Sida Jaaliyadaha Debeddu uga Qayb Qaadan karaan Doorashada 2020ka Haddii Alle Idmo Maadaama ay Qayb muhiim ah Bulshada Soomaaliyeed ka yihiin,Sidoo kale Gudiga ayaa Ra’yiga Jaaliyaada Dalkaas iyo Sida ay u arkaan Doorashada waxey Qof qof u Dhageysanayeen Fekradahooda Saliimka ah.

Ugudanbeyntiina Gudoomiyaha Garabka Haweenka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ayaa Sheegtey in Dadka Debedaha ku nooli aaney lamid aheyn Dadka Gudaha ku nool Marka Laga Hadlayo Doorasho oo Inagu ama Dadka Debedahaa ku Nooli Waxey maalin walba arkaan Doorashooyin kala Nuuca oo ka Dhacaya Dalalka ay Joogaan Balse Dadka Gudaha Ku Nooli ay ku yaryihiin Wax yaqaan Doorasho iyo Nidaamka Axzaabta,Sida Xisbiyadu u Tartamaan,Sida Xisbi looga Mid noqdo,iyo waxyaabo la xiriira Habka Doorashooyinka Sidaas Darteed waa in aan u Gudbinaa Dadkeena wixii Aqoon iyo Waayo aragnimo aan ka korarsaney Dalalka aan Ku Noolnahey Isla Markaasna la Garab istaago Hawsha Culus ee ay wadaan Gudiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Xafladda Kulanka ayaa kusoo Gabangabawdey Jawi Hagaagsan iyo Ra’yi ururin buuxda oo Faa’iido u Noqon karta Dadka Soomaaliyeed ee Gudaha iyo Debedda ku Nool,Sidoo kale Waxaa iyaguna ku Sugan Dalka Canada Wafdi ay Horkaceyso Gudoomiyaha Gudiga Madaxbanaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil(Xaliimo Yarey iyo Xoghayaha Guud ee Gudiga Daahir Mire Jibriil oo iyaguna la kulmey Jaaliyada Dalka Canada iyo Wakiilka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ee Dalka Canada Muuse Kuulaw,iyadoo Gudigu Dhabarka u Xirtey in Gudaha iyo Debedaba ay Dadka Soomaaliyeed Deeqsiiyaan Halka Hawluhu u marayaan iyo Waxa u Qabsoomeyba,Dadka Soomaaliduna aad usoo dhaweeyeen Wax Qabadkooda iyo da’da ay jiraan in aysan isu dhigmin ee Wax Qabadkoodu Weynyahey.

Warsom2011@gmail.com

Share on Facebook