Dekedda Berbera oo Barlamaanka Dawladda Federalka Soomaaliya uu Maanta ka Doodayo.

0
449

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in xildhibaannada Golaha Shacabka yeeshaan fadhiggoodii ugu horeeyay Kalfadhigga Saddexaad, waxaana lagu waramayaa in kulanka maanta noqonayo mid xasaasi ah oo xildhibaannadu dood adag ka yeelan doonaan heshiiskii Dekedda Berbera.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sabtidii furay kal-fadhiga 3-aad ee Baarlamaanka labada Aqal Soomaaliya oo ay si wada jir ah uga qeyb galeen xubnaha Golaha Shacabka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay oo xalay aheyd waxaa lagu wargeliyay in maanta oo Isniin ah uu jiro kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana laga dalabay in ay ku yimaadaan waqtiga lagu balamay.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in heshiis walba oo hormarineed oo la galayo u idman tahay dowladda Soomaaliya oo kaliya, iyadoo loo soo marayo hay’addaha dastuuriga ah ee dalka, iyaga oo ku tilmaamay heshiiskii Saddex geesoodka ahaa ee Berbera mid sharci darro ah.

warsom2011@gmail.com