Deegaanka Mandheera ee Dalka Kenya oo Al-shabaab Weerareen Labo Saldhig Ciidan Iyagoo ku Diley Askar Kenyaan ah.

0
349

 Shan Askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay saddex kalana waxaa ka soo gaaray dhaawacyo halis ah, kaddib markii Al-shabaab ay weerareen Labo Saldhig ciidan oo ku yaala deegaanka lagu magacaabo Fino oo ka tirsan degmada Mandera.

Guddoomiye ku-xigeenka degmada Lafey Eric Oronyi in weerarkan oo dhacay 1am lagu bartilmaameedsaday Labo saldhig ciidan iyo xarunta maamulka Booliiska ee deegaanka Fino.

Waxaa uu sheegay in xoogagga weerarka soo qaaday tiradoodu u dhaxeysa 70 ilaa 100 dagaalyahan oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaa oo markii danbe dib uga laabtay deegaanka.

Xoogagga weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in markii hore ay bartilmaameedsadeen xarunta Isgaarsiinta degmada Lafey si ay u wax yeeleeyaan xiriir dhaxmara ciidamadooda dhaxdooda.

Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya weeraro is daba joog ah oo marar badan oo hore sidan oo kale Al-shabaab ku bartilmaameedsadeen xarumaha ciidamada Kenya ku leeyihiin gobolka Waqooyi Bari Kenya.

warsom2011@gmail.com