Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Keating oo Kulan la Yeeshey Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Bayle.

0
376

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumadda ayaa maanta la shiray Madaxda xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Michael Keating iyo xubno kale oo UN-ka ah.

Shirka ayaa ku saabsanaa sidii loo xoojin lahaa wadashaqaynta Qaramada Midoobay iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya , bixinta anshuuraha waajibka ah, sugidda Amniga, dib u eegista heshiiska SOMA iyo in wada jir looga shaqeeyo qorshayaasha guud ee labada dhinac.

Wakiilka QM ee Soomaliya Michael Keating ayaa u mahadceliyay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Dr. Bayleh iyo qaabka uu usoo agaasimay shirka, isagoona balan qaaday in Qaramada Midoobay ay si dhaw ula shaqeyn doonto hey’adaha kala duwan ee dowladda.

Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda SoomaaliyaCabdiraxman Ducaale ayaa ka dalbaday madaxda QM in ay Dowladda kala shaqeeyaan kor u qaadida Dakhliga Dalka oo la doonayo sanad kaan 2018 inuu ka badnaado sanadii hore.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa lagu magacaabay guddi labada dhinac ah oo ka wada shaqeyn doona dib u eegista heshiiska SOMA.

warsom2o11@gmail.com