Koonfurta Sudan oo Dalka Mareykanku ka Mamnuucey in la Geeyo wax Hub ah,kadib Dagaalo kusoo Laa laabtey.

0
355

Mareykanka ayaa markii ugu horreysay ku dhawaaqay in la joojiyay , islamarkaana la  mamnuucay in wax hub ah la geeyo dalka ay wali ka taagan yihiin dagaalka ee Suudaanta Koonfureed.

Tallaabadaan ayuu Mareykanka ku sheegay in looga golleeyahay sidii loo soo afjari lahaa collaada afarta sanno qaadatay ee ka taagan waddankaasi.

Mareykanka ayaa gollaha ammaanka ee Qaramada midoobay ku booriyay inay meelmariyaan qaraar cunaqabateyn dhanka hubka ah lagu saarayo South Sudan.

Xukuumadda madaxweyne Trump ayaa sidoo kale walaac ka muujisay sida hogaamiyeyaasha dalkaasi ay ugu guuldareysteen inay soo afjaraan collaada ka taagan South Sudan.

Bishii hore ayay aheyd markii safiirka Mareykanka ee Qaramada midoobay, Nikki Haley ay sheegtay in Mareykanka uu ka quustay madaxweynaha South Sudan, iyadoo sidoo kale ku tilmaamtay saaxiib aan ku habooneyn nabadda.

warsom2011@gmail.com