G/le Sare C/naasir Xoosh oo Maxkamadda CQS Dil Toogasho ah ku Xukuntey kadib Markii ay ku Caddaatey Dil Bareer ah.

0
408

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ayaa Xukun dil Toogasha ah ku xukuntay G/sare CabdiNaasir Xoosh oo ka tirsanaa ciidamada Badda Soomaaliya.

Waxaa lagu eedeeyay in uu dil bareer ah u geystay Taliye ku xigeenkii hore ee Ciidamada Badda Sareeyo Guutto Siciid Aadan Yuusuf Mariino.

Maxkamadd ayaa horay u dhageysatay kiiska waxaana ugu dambeyntii ay maanta ku xukuntay dil toogasho ah.

Gudoomiyaha maxkamadda darajadda koowaad Ciidamada Qalabka Sida Xassan Cali Nuur Shuute ayaa warbaahinta u aqriyay xukunka lagu riday  Gaashaanle Sare C/naasir Xoosh .

Gaashaanle Sare Cabdinaasir  Xoosh oo ka tirsan ciidamada Badda Soomaaliya ayaa  Saciid Mariino taliye ku xigeenkii Badda  ku dhex dilay Xafiiskisa 18-kii Bishii lasoo dhaafay.

warsom2011@gmail.com