Ciidamada Xasilinta Magaalada Muqdisho oo La Sheegey In lagu Xoojinayo Kuwo Amisom ka Socda.

0
358

Ciidamada AMISOM ayaa leysku afgartay in ay qeyb ka noqdaan ciidamada xasilinta Caasimada oo markii hore ka koobnaa Ciidamo ka tirsan Nabad sugida, booliiska iyo kuwa Milatariga.

Kulan shalay dhaxmaray Wasiiradda Amniga iyo taliyayaasha ciidamada ayaa la isku raacay in ciidamada AMISOM qeyb ka noqdaan ciidamada xasilinta ee ka howlgala Muqdisho.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM qeyb ka noqon doonaan ciidamada Xasilinta Caasimada ee howl galada ka wada Muqdisho.

Waxa uu mar kale ku celiyay Wasiirka Amniga Gudaha in aan la ogoleyn gudaha Muqdisho gaadiidka ay saaran yihiin hubka culus iyo kuwa ay la socdaan askara badan, waxa uuna tilmaamy in markan si adag loo dhaqan gelin doono go’aankii Golaha Wasiirada.

Wasiirka Amniga Gudaha ma sheegin in ciidamada AMISOM qeyb ka noqon doonaan ciidamada Xasilinta ee ku sugan koontaroolada yaala gudaha Muqdisho iyo in ay  ka qeyb qaadanayaan howlgalada gaarka ah.

Go’aankan ka soo baxay dowlada ayaa kusoo aadaya xili labo habeen ka hor weerarro isugu jira ismiidamain iyo mid toos ah ka dhaceyn magaalada Muqdisho gaar ahaan meel ku dhaw Madaxtooyada.

warsom2011@gmail.com