M/weynaha Dalka Eritrea Afwerki oo Gaarey Caasimadda Dalka Masar ee Qaahira.

0
475

 

Madaxweynaha dalka Eritrea Isaias Afwerki ayaa gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar sagoo halkaas kula kulmi doona dhigiiisa dalka Masar Abdel-Fattah al-Sisi.

Afwerki oo booqashadiisu qaadan doonto muddo labo casho ah ayaa la filayaa in ay ka wadahadlaan al-Sisi xiriirka labada dhinac iyo arrimihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay wadamada uu maro wabiga Nile iyo weliba dalalka Geeska Afrika

Booqashada madaxweynaha Eritrea ee uu ku tegey dalka Masar oo ah tii shanaad ayaa ku soo beegantay xilli ay taagan tahay xiisad ka dhalatay xadka Masar iyo Sudan.

Xukuumada Khartoum ayaa ku eedeysay dowlada Qaahir inay taageerto mucaaradka ka soo horjeeda balse eedeynta ayaa waxaa ku gacan seyrtey dowlada Masar.

Warbaahinta dalka Masar ayaa waxaa ay ku eedeeyay dowlada Sudan inay raali ka tahay oo ay taageerayso dhismaha mashruuca biyo xireenka korontada loogaga dhalinayo wabiga Nile taasoo dowlada Ethiopia ku howlan tahay.

Xukuumada Masar ayaa aaminsan in haddii mashruucan uu hirgalo uu hoos u dhac ku iman doono biyaha wabiga Nile oo nolosha shacabka Masar ku tiirsan tahay.

warsom2011@gmail.com