Ciidamada AMISOM ee Sugan Gudaha Soomaaliya oo Sheegey in ay Tayeynayaan Ciidamada Soomaaliya ka Hor Bixitaankooda.

0
403

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan tababarka iyo la-talinta ciidamada ammaanka ee Soomaaliya si ay u qaataan mas’uuliyada amniga dalka, kahor inta aysan ka bixin dalka.

Ku-xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo ayaa sheegay in qorshaha uu yahay in Ciidamada Soomaaliya lagu dhiso awoodda heerarka caalamiga ah ee la aqbali karo.

“Sannadkan waxa la arkayaa tababar dheeraad ah oo sii xoogeysanaya, hagaajin dheeraad ah oo la socota, taasina macnaheedu waa qorista, tababarka iyo tayeynta Ciidamada, kahor inta aanan dalka ka bixin.” Waxaa sidaas yiri Mulongo.

Ciidamada AMISOM ayaa la rajeynayaa in sanadkan ay ka baxaan sugidda ammaanka magaalooyinka muhiimka ah, si loogu wareejiyo ciidamada Soomaaliya oo hada ku jira diyaar garow balaaran.

1,000 Askari ayaa Soomaaliya laga saaray Soomaaliya bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii 2017, kadib markii Golaha Ammaanka uu ku dhawaaqay in AMISOM wixii hada ka dambeeya ay Soomaaliya uga baxaan si tartiib, tartiib ah.

Booliska AMISOM ayaa tababar soconaya 10-maalin 1-dii January 2018 Muqdisho ugu furay Ciidamada Booliska Soomaaliya, kaasi oo lagu barayo sida fudud ee lagu ogaan karo Aaladaha Qarax ee loo yaqaano “Improved Wired Explosive Devices (IEDs)”

Tababarka ayaa loogu tala galay in lagu qalabeeyo saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya, waxaana sidoo kale intuu socda lagu baranayaa Xirafado muhiim ah oo looga hortagayo, laguna xakameynayo, sidoo kalena lagula dagaallami karo weerarrada Qaraxyada ee Shabaab.

warsom2011@gmail.com