Wasiiro ka Tirsan Xukuumadda Itoobiya iyo M/weynaha Puntland C/weli Cali Gaas oo kulan ku Yeeshey Adis Ababa.

0
380

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa kulamo muhiim ah la qaatay qaar kamid wasiirada Itoobiya .

Wasiirada uu la kulmay Gaas ayaa kala ahaa wasiirka Ganacsiga Mr. Bekele Bulado,wasiirka Customka iyo xuduuddaha iyo Wasiirka Canshuuraha iyo Ganacsiga Mr. Molges Balga ,waxaaana dhamaantood uu kala hadlay arimo ku saabsan ganacisga iyo amniga.

Furitaanka kastamka xuduudda Puntland iyo Itoobiya ee Tuur-dibi ayaa la sheegay in inta badan kulamadan lagu soo hadal qaaday ,iyada oo dhawaan la dhamaystiray dhismaha kastamkaasi oo waaxyo kala duwan isugu jira.

“Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Federaalka Itoobiya ayaa si wada jir ah uga qayb-gali doona furitaanka kastamkan oo loo sameeyay waaxyo ay kamid yihiin kuwa canshuuraha iyo amniga ” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale intii uu joogay magaalada Addis Ababa la kulmay ra’isul-wasaaraha Itoobiya Haila Mariem Desigln ,kaasi oo ay ka wada hadleen arimo u badan iskaashiga iyo ganacsiga.

Ugu danbayn ,Itoobiya ayaa dhankeeda la filayaa in ay ka faa’idaysato Kastamka oo isku xiri doona labada wadan ee Somalia iyo Itoobiya i,waxaana la aaminsan-yahay in uu kor u qaadi doona iskaashiga ganacsi ee labada dhinac.

warsom2011@gmail.com