Hay’adaha Xuquuqul Insaanka oo Cambaareeyey Kufsi Gabar Soomaaliyeed loogu Geystey Boosaaso.

0
429

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Hay’adda Rapewatach International oo fadhigeedu yahay Somalia , isla markaana u dood-da xuquuqda haweenka iyo caruurta  loo gaysto tacdiyada ka dhanka ah jinsiga ayaa dowladda Puntland ka dalbatay in cadaalad-da la marsiiyo askari bishii hore gabar dhalinyaro ah ku kufsaday magaalada Bosaso.

“Walaal arinta dhacday waxa ay mudan-tahay in si iskuwada mid ah aan dhamaanteen uga murugoono ,waayo waxa la kufsaday waa gabar Somaliyeed oo dan yar ah ” ayuu yiri agaasimaha hay’adan C/rixmaan Axmed oo hadda ku sugan magaalada Minneapolis.

“Waxaan dowladda Puntland ku amaanayaa in ay dhamaan diyaar yihiin xeerarkii ciqaabta ee kufsiga isla markaana uu waajib naga saaran-yahay sidii aan u xakamayn lahayn kufsiyadan oo kale ” ayuu mar kale yiri C/rixmaan uu xusay in ay garab-taagan-yihiin Faa’izo Maxamed oo ah gabadha uu dhibku gaaray.

Agaasimaha ayaa sheegay in waaxda Jinsiga ee hay’adda ay ku dadaalayso sidii xuquuq dhamaystiran ay u  heli lahayd Faa’izo oo hadda arimo caafimaad ugu jirta Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdsiho.

“Waxaan ka shaqaynaynaa si kasta oo aan xuquuq dhamaystiran ugu raadin karno Faa’izo iyo dadka kale ee la kulma tacadiyadan caynkan oo kale ah ” ayuu mar kale yiri C/rixmaan oo sheegay in ay canbaaraynayaan falalkan caynkaan oo kale ah.

Ifraah Xaashi Albabaab oo ka tirsan madaxda hay’adda ayaa iyadana sheegtay in ilaa iyo hadda ay sameeyeen dadaalo dhowr ah oo xuquuq loogu raadinayo Faa’izo oo sidoo kale dhaawac xoogan uu ka  soo gaaray xubinta taranka ee dumarka.

“Wasaaradaha Haweenka iyo cadaaladda Puntland waxaan kala shaqaynaynaa in Faa’izo si gooni ah xaaladad-deeda indhaha loogu hayo ,lana hubiyo in ay hesho cadaalad ” ayey iyana tiri Ifraax oo wax laga xumaado ku tilmaamtay kiiskan.

Taliska ciidanka Puntland ayaa maalmo ka hor beeniyay in askirga kufsiga gaystay oo lagu mgacaabo c/qaadir Warsame uu iyaga ka tirsan-yahay , xili dowladda Puntland ay sheegtay in ninkaasi gacanta lagu dhigay , isla markaana sharciga loo horgayn doono.

Ugu danbayn,Kiiskan kufsiga ah ayaa ka dhacay magaalada Bosaaso 27-dii bishi aynu soo dhaafnay ,waxaana la sheegay in gabadha la kufsaday iyo askariga ay ahaayeen muddo sheeko wadaag , isla markaana ay ugu timid magaalada Bosaaso si ay ula kulanto.

warsom2011@gmail.com