Balamaanka Federalka Soomaaliya oo Maanta u Balansan Kiiska C/kariim Qalbi dhagax.

0
403

 

Fadhi maanta ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho xildhibaannada Gollaha Shacabka ayaa lagu waddaa in la horgeeyo baaritaan la xiriira Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ku xiran dalka Itoobiya.

Guddigii loo saaray baarista Kiiskan ayaa u soo bandhigi doona xildhibaannada baarlamaanka warbixin la xiriirta baaritaankii ay sameeyeen iyo wixii ay ku soo ogaadeen, iyadoo arinta ku saabsan Qalbi –Dhagax dood culus ka dhax abuurtay Gollaha Shacabka iyo xukuumadda oo lagu eedeeyay in ay u gacan galisay Itoobiya.

Guddiga oo muddo dheer howshooda soo wadday ayaa la filayaa in maanta ay soo gaba gabeeyaan Kiiska, islamarkaana ay Xildhibaanada ka hor Akhriyaan wixii ay soo qabteen.

Bishii August ee Sanadkaan ayeey aheyd markii Dowladda Federaalka Soomaaliya sida la sheegay u gacan galisay Itoobiya sarkaalkan oo ka tirsnaa Ururka ONLF ee ka dagaalama gudaha dalka Itoobiya.

warsom2011@gmail.com