Saldhig Ciidan ku yaal Gobolka SHabeelaha Hoose oo ay weerareen Dagaalyahanada Al-shabaab.

Xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saakay weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin deeaan u dhaw degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Saldhiga ciidamada dowladda ee weerarka lagu qaaday ayaa ku yaala waddada isku xirta Balcad iyo degmada Afgooye, gaar ahaan deegaanka Basra galbeedka ka xign degmada Balcad.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in ay weerarkaa ku dileen 6 Askari oo ka tirsanaa ciidamada xoogagga dalka Soomaaaliyeed.

Sidoo kale waxaa ay Al-shabaab sheegteen in ay la wareegeen saldhig laakiin ma jiraan ilo ka madaxbanaan Al-shabaab oo xaqiijinaya shaagashadooda.

Dadka deegaanka weerarka uu ka dhacay waxaa ay warbaahinta u sheegeen in saldhiga la weeraray ku sugnaayeen ciidamo aan badneyn oo ka tirsan militariga dowladda Soomaaliya, laakiin goob joogayaashu kama aysan hadlin khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Weerarada Al-shabaab ay ka geystaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Shabeellaha hoose ayaa waayadii ugu danbeeyay ahaa kuwo isa soo taraya iyaga oo weerarada ay qaadaan ku beegsada saldhigyada ciidamada dowladda

warsom2011@gmail.com

Share on Facebook