Magaalada Muqdisho Saldhigyo Ciidan Ku yaal oo lagu Weerarey BUBM Gacmeedyo lagu Tuurey.

0
358

Weerarradan oo loo adeegsaday Bambooyinka gacanta lagu tuuro ayaa laga bartilmaameedsaday saldhigyo ku yaala degmooyinka Kaaraan iyo Hodan ee gobolka Banaadir.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in weerarradan ka dhasheen dhaawacyo soo gaaray qaar ka mid ah ciidamadii ku sugnaa saldhigyada la bartilmaameedsaday.

Ilaa saddex Askari ayaa ku dhaawacmay Bamba lagu tuuray saldhiga degmada Hodan, halka weerarka labaad oo ka ka dhashay saldhiga degmada Kaaraan sidoo kale khasaaare uu sababay.

Ciidamada ammaanka ayaa sameeyay howl gallo lagu baadigoobayo kooxihii weerarka ka dambeeyay, waxaana xaafadaha qaar la geeyay ciidamo

warsom2011@gmail.com