Ex Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo Geeryoodey (Innaa Lillaahi Wa inaa Ileyhi Raajicuun) Allaha U Naxariisto.

0
558

 

Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xalay ku geeriyooday dalka Hindiya, kaddib markii uu dhowaan halkaas loo geeyay arrimo caafimaad.

Xildhibaanka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaalla Hindiya oo muddooyinkan lagu daweynayay.

Bootaan Ciise Caalin ayaa wasiir ka soo noqday dowladdii KMG aheyd ee lagu soo dhisay Mbagathi ee dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa uu 13-kii sano ee la soo dhaafay ahaa xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka, sanadkii hore ayuu ka mid ahaa Xildhibaanadii lagu soo doortay magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Xildhibaanka, waxaana lagu wadaa in meydkiisa dalka loo soo qaado.

warsom2011@gmail.com