Duleedka Degmada Balcad Gaari Kuwa Dadweynaha ah oo Miino ku Qaraxdey Shan Ruux ku Naf Waayeen.

0
373

Wararka naga soo gaaraya  degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe  ayaa sheegaya in Gaari ay saarnayeen dad shacab ah ay goor dhow miino la kacday.

Deegaanka lagu magacaabo Daniga Baaloow oo ku yaalada waddada xiriirisa degmada Afgooye iyo Balcad ayaa la sheegay in gaari nooca loo yaqaano Homeyda, ay niinadaas la qaraxday xili uu ku sii jeeday degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose

Ilaa Shan ruux oo ka mid ahaa dadkii gaariga saarnaa ayaa la sheegay in ay dhinteen halka dhinaca kale ay jiraan dhaawacyo culus.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga oo ay la socdeen haween ka ganacsada Cowska intoodii badneyd dhinteen.

Waxaa soconaya gurmad loo fidinayo dadka rayidka ah ee wax yeelladu ka soo gaartay qaraxa miino.

warsom2011@gmail.com