Dawladda Federalka ah oo eedeyn uu u Jeediyey Maamulka Gobolka Hiiraan/Maxey la xiriirtaa eedeyntu?.

0
402

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka in aysan diyaar u aheyn waqtigan wax ka qabashada nabad-galyada dalka iyo dib –u-heshiisiin loo sameeyo bulshada Soomaaliyeed.

Cali Jeyte ayaa sheegay in dowladda dhexe ay mashquul ku tahay sida uu hadalka u dhigay siyaasado kale, halkii loo baahnaa in ay ahmiyada ugu weyn siiso xoreynta deegaannada wali ku jira gacanta Al-shabaab.

‘’ Siyaasad la xiriirta in dib u xoreyn laga sameeyo dalka dowladda dhexe marnaba lama iman, sidoo kale waxaan ku eedeynayaa dowladda dhexe dib-u-heshiisiinta wey ka gaabisay,  haddii aysan dib u xoreyntii dalka diyaar u aheyd dowladda oo ciidamadeedii gobollada joogay aysan qalabeysneyn u maleyn mayo in wax guul ah la gaarayo’’ ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Wuxuu sheegay in dalkan dib u heshiisiin dhab ah looga baahan yahay, madaama qodobkaa uu qeyb weyn ka ahaa balanqaadyadii madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

‘’Dowladda Muqdisho oo kaliya ayeey ku kooban tahay, waxey la tahay malaha in Muqdisho oo kaliya tahay Soomaaliya oo dhan, Syaasad, Dib u dhis iyo Tababar ciidan intaba Muqdisho ayeey mashquul ku tahay, waa taa iyadiina Amni ma’aha oo waxa ka dhacaya waad aragtaan’’ ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Cali Jeyte ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay dowlada Soomaaliya in awooda iyo xukunka la daadajiyo oo lagu fidiyo qeybaha kale ee dalka, si looga adkaado ayuu yiri Ururada dhibaatada ku ah Ammaanka dalka.

warsom2011@gmail.com