Arrimo La xiriira Iskaashiga DHaqaalaha oo ay ka wada Hadleen M/weyneyaasha Soomaaliya iyo Sudan.

0
466

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Sudan ayaa xalay kulan la qaatay dhigiisa dalkaas Cumar Xasan Al-Bashiir.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo dhiggiisa Suudaan ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Sidoo kale wasiirada iyo xubnaha kale ee socdaalka ku wehlinaya madaxweynaha ayaa la kulmay wasiirada kale ee dhigooda ah ee dalkaasi Sudan.

Labada Madaxweyne ayaa ayaa isla gartay qorshe lagu sameynayo dallad dhaqaale oo ay ku midaysanyihiin dalalka Geeska Afrika oo uu soo jeediyay madaxweyne Al Bashiir,

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku bixinayso dadaal dheeri ah sidii looga miro dhalin lahaa qorshayaasha ku aaddan xoojinta iskaashiga dhaqaale ee wadamada Geeska Afrika.

 

“Dallad dhaqaale oo wadamada Geeska Afrika ay yeeshaan waxa ay kor u qaadaysa heerka uu joogo dhaqaalaheenno, waxa ay meesha ka saaraysaa xasilooni darrada haraysay qaybo badan oo ka mid ah gobolka.” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Safarkan waxaa Madaxweynaha ku wehliyaWasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Ah, Yuusuf Garaad Cumar, Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, Wasiirka Beeraha Siciid Xuseen Ciid, Wasiirka Xannaanada Xoolaha Sheekh Nuur Maxamed Xassan, Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Cabdulqaadir Macalin Nuur, Xildhibaanno, Guddoomiyaha Bankiga Dhexe iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Wafdiga madaxweyaha ayaa noqonaya kii ugu ballaarnaa oo mar kaliya dalka ka anbabaxa ama safar noocan oo kale ah horay u sii raaca madaxweyne.

warsom2011@gmail.com