Hub la SHeegey in loo wadey Gobolada Dhexe oo Puntland Gacanta ku dhigtey/Daawo Sawirro).

0
385

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ciidamada ilaalada xeebaha Puntland ayaa gacanta ku soo dhigay doon lagu soo qariyay hub sharci darro ah ,taasi oo ku sugnayd meel aan wax badan ka fogayn xeebaha Puntland.

Hubka saarnaa doontan ayaa isugu jiray qoryaha dhashiikaha ,AK7 –ka , Qoryaha BKM-ka rasaas iyo qaybo kamid ah hubka noocyadiisa  fudud,waxaana laga soo qabtay deegaanka Mareero oo qiyaastii 9km u jirta magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland.

“Doonidani waxaa gacanta ku soo dhigay ciidamada ilaalada Xeebaha ee Puntland,waxaana laga soo qabtay deegaanka Mareero halkaasi oo ay howlgalo ka wadeen ciidamadu,waxaa doonida saarnaa hub noocyo kaladuwan leh,, Ayuu yiri Gaashaanle Maxamed Maxamuud oo kamid ah saraakiisha ciidamada badda Puntland.

Waxa uu sheegay in qayb kamid hubka hadda gacanta lagu hayo laga soo qabtay biriga , xili la doonayay in gudaha loo soo galiyo Puntland ,mana uusan sheegin cid-da uu sida gaarka ahi hubkani ugu socday.

Sarkaal la hadlay WARBAAHINTA ayaa sheegay in hubkani ay mulkiyad-diisa lahaayeen ganacsato reer Puntland ah , isla markaana la doonayay in loo sii gudbiyo gobolada dhexe ee Somalia.

Ugu danbayn, doontan la qabtay aya lagu magacaabaa Al-Furqaan ,waxaana ay ka timid dalka Yemen  oo iminka ay ka socdaan colaado u dhaxeeya kooxo iska soo horjeeda oo ay kala hogaaminayaa Xuutiyiinta iyo dowladda taagta daran ee wadankaasi ka jirta.

warsom2011@gmail.com