Hawl Galada Xasilinta Magaalada Muqdisho oo uu R/W KHayre sheegey in la Kordhinayo.

0
411

 

Ra’iisal wasaarada Soomaaliya Xassan Cali Khayre ayaa sheegay in la kordhinayo qorshaha Howlgalka Xasilinta, kaasi oo lagu nabadeynayo caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in mar walba nabad-galyada ku xiran tahay sida ay u wada shaqeeyaan ciidamada shacabka hadafkana uu yahay in magaalada iyo dalka oo dhan la nabadeeyo.

‘’Shacabka Soomaaliyeed waxaan u balanqaadeynaa in aan dardargalin doono howlaha lagu sugayo amniga ilaa laga gaaro in dadka Soomaliyeed ay ku qancaan’’ ayuu yiri ra’iisal wasaare Kheyre.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka lagula jiro Al-shabaab ayuu sheegay in aysan u baahneyn oo kaliya wax walba in lagu xaliyo howlo ciidan balse ay ay u baahan tahay arrimo siyaasadeed, dhaqaale, maamul, caqiido, dhaqan iyo kuwo kale.

Ururka Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada, dilalka iyo qaraxyada ay ka geysanayaan magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

warsom2011@gmail.com