Nin Sida la sheegey AL-shabaab Qaraxyada u Fududeyn jirey oo Mareykanku Shaaciyey in Soomaaliya lagu qabtey.

0
381

Millatariga Maraykanka ayaa sheegay in dalka Soomaaliya lagu qabtay nin looga shakisanyahay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, kaas oo mar ku noolaa dalka Mareykanka.

Afhayeenka howlgalka Mareykanka ee Africa ayaa sheegtay in Arbacadii lasoo dhaafay gacanta lagu dhigay Abdirisaakh Tahliid, oo lagu eedeeyay in Al Shabaab uu u fududeyn jiray qaraxyada, waxaana gacanta ku dhigay ciidanka dowladda Soomaaliya.

Maamulka Madaxweyne Donald Trump, ayaa dhawaan meel-mariyay hindise cusub oo lagula dagaallamayo Al Shabaab.

“Howlgalkii lagu qabtay Tahliid, waxaa hogaaminayay ciidanka dowladda Soomaaliya, waxaana farsamooyin iyo taageero ay ka helayeen ciidamada dowladda Mareykanka” ayeey tiri afhayeenka.

Dyrcs, ayaa sheegtay in Tahliid uu ku noolaa dalka Mareykanka intii u dhexeysa sanadadii 2006 ilaa 2009.

Bishii March ee sanadkan Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu doonayo inuu ballaariyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabab, iyo inuu khafiifiyo sharciyo uu dejiyey madaxweynihii hore Barack Obama oo loogu talogalay in lagu yareeyo khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah.

Trump ayaa sidoo kale sheegay in laga yaabo in qaybo ka mid ah dhulka Al-Shabab gacanta ay ku hayso u aqoonsado goobo dagaal.

warsom2011@gmail.com