Halkan Ka DHeeho Jaantuuska ama Profileka Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed.

XMJS d (1)

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

JAANTUUSKA XISBIGA MIDNIMADA JAMHUURIGA SOOMAALIYEED

 

 MAGACA XISBIGA:

 

 

Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed ( XMJS) Waa Xisbi Siyaasi Ah Oo Ka Jira Jamhuuriyada  Soomaaliya ,waana xisbigii ugu horeeyey ee isu taagay hirgalinta nidaamka xisbiyada badan  waxaa   la  aas aasay 29/09/1997  Waxaana Magaalada Muqdisho  Looga Dhawaaqay 06/08/1998 Iyadoo Uu Dalka Ku Jiray Bur Bur Iyo Dagaalo Sokeeye.

Ujeedooyinka muddada gaaban ee Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Waa:
 La yareeyo qabyaaladda, takoorida, Nidaamka baandooyinka ee sharci-darrada ah iyo kuwa mamnuuca ah
 Horumarinta helitaanka xorriyadda codka iyada oo aan Cidna Laga baqayn isla Markaasna la raacayo dastuurka
 qaranka iyo siyaasadaha xukuumadda Soomaaliya

Ujeedooyinka muddada dheer ee xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed Waa:
 Sameeynta istaraatiijiyooyinka wadada u furaya doorashooyin bilaash ah iyada oo ku saleysan hal qof oo keliya hal cod oo qaran ah
 Ku dhiiri gelinta kooxaha dhalinyarada in ay qaataan Nidaamka Xisbiyada Badan oo ay hubiyaan in ay wadaagaan Fekerro Kala Duwan Si Nabad ah Isla Markaasna Codkooda Dhiibtaan Si XOR iyo XALAAL AH.
 

.

Tirada Aas Aasayaasha XMJS Waa 15-Xubnood.

.

Astaanta XISBIGA

 

Waa Goobo U Sameysan Qaab Ukumeed Ayna Ku Wareegsanyihiin Laan Timireedyo Ay Dhexda Kaga Taalo Xidig 5-Gees Leh Sidoo Kale Waxaa Hoosta Laan Timireedyada Ka Muuqda Gacmo Isa Salaamaya Oo Ay Ku Hoos Jiraan Warshado Qiiq Bixinaya Iyo Beero Baxaya Dhamaantoodna Salka Ku Haya Barshin Ay Ku Qorantahay X.M.J.S Oo Ah Magaca Xisbiga Oo La Soo          Gaabiyey.

 

 

Calanka XISBIGA

 

 

 

 

Waa Maro Ka Kooban Shan Midab Oo Kala Ah Buluug,Cagaar,Jaallle,Gaduud Iyo Cadaan Ay Dhexda iyo geeska bidix Kaga Taalo Xidig Cad Oo Shan Gees Leh Kuwaasoo U Taagan Isu Tag Ama Midnimo.

 

 

 

Himilada Guud ee XISBIGA

 

  • In Loo horseedo hogaan wanaagsan oo uu dadku yeesho si loo badbaadiyo qarannimada, diinta dalka iyo dhaqanka suuban ee dadka soomaaliyeed.

Halku DHIGA XISBIGA

  • Kaguur qabyaalad ,qori iyo quursi una guur qaranimo

 Barnaamij SIYAASADEEDKA XISBIGA

 

 

Madaxbanaanida

 

  • Sugidda iyo xaqiijinta madaxbanaanida siyaasada, Maaliyadda iyo difaaca xuduudaha qaranka sida \berriga, badda iyo hawada soomaaliya
  • In Si sharci ah oo laga taxaderayo dhammaan hubka shacabku heysto loo geliyo gacanta dowladda iyadoon ku koobneyn koox gaar ah gobol iyo qabiil toona
  • .Karaamada Shacabka
  • Soo Celinta Sharafta iyo karaamada muwaadiniinta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaan dalka gudihiisa iyo debaddiisaba
  • Amniga
  • Hanashada sugitaanka amniga iyo difaaca dalka ee ciidamada qaranka soomaaliyeed iyo dhiiri gelintooda si looga kaaftoomo ciidamo shisheeye
  • Xuduudaha
  • Midnimada iyo xuduudaha qaranka soomaaliya waa lama taabtaan lama kala qeybin karo lagumana xad gudbi karo
  • In la sugo ilaalinta xuduudaha dalka ee berriga, badda iyo hawada lana difaaco haddii lagu soo xad gudbo.
  • Dib-uhishiisiin iyo midnimo
  • In la raadiyo lana ilaaliyo midnimada dadka iyo dalka soomaaliyeed
  • In la sameeyo dib u hishiisiin iyo hanti isu celin si loo helo is cafis dhab ah
  • In la dhiso hey’addo garsoor oo cadaalad ah si dhab ahna u madax banaan sida maxkamada dastuuriga qaranka iyo gole adeeg garsoor oo madax banana.
  • In la dhiso guddi madax banaan ee dib u hishiisiineed.
  • In hantida qaranka ee dalka gudahiisa iyo dibadiisa lagu soo celiyo gacanta dowladda ee hadba dalka markaas ka talineysa.
  • In la abuuro jawi lagu kasbanayo kalsoonida shacabka iyo dowladda dhexdeeda.
  • Dib U Dhiska Dalka
  • In dib loo dhiso dhammaan kaabayaasha dhaqaalaha ee bur buray isla markaana la dhiso kuwa cusub lana gaarsiiyo dalka oo dhan.
  • Horumarka iyo qeyraadka
  • In la soo saaro qeyraadka dalka ceygaaga lana hormariyo ilaha dhaqaalaha
  • In la fasaxo maalgashiga shirkadaha aduunka si waafaqsan qaanuunka dalka
  • In la sameeyo xeer hab qeybsiga qeyraadlka dalka ee gobolada dalka ka koobanyahay.
  • Baahinta Iyo Tayeenta Aqoonta
  • Kobcinta Iyo tayeenta wax barashada si loo horumariyo garaadka iyo ilbaxnimada umada soomaaliyeed iyo jiilka soo koraya
  • In La casriyeeyo lana dhiiri geliyo cilmiga seyniska iyo tiknolojiyada casriga ah si soomaalidu ula jaanqaado caalamka cusub ee horumaray.
  • Deegaanka ama bey’adda
  • Ilaalinta Iyo Daryeelka deegaanka ama bey’ada iyo ka hortaga Xaalufka iyo dhibaatooyinka ka imaanaya isbadelka cimilada aduunka.
  • Ilaalinta dhirta iyo xoolaha dheddiga ah.
  • Cadaaladda
  • In Muwaadin kasta uu xaqiisa helo si cadaalad ku dhisan
  • In lala dagaalamo musuq maasuqa iyo nin jecleysiga garsoorka ka yimaada
  • In la tir tiro eexda, qabyaaladda, laaluushka, qori ku faanka iyo heybsooca sad bursiga salka ku haya iyo wax kasta oo dhaawacaya xuquuqda muwaadinka iyo midnimada qaranka soomaaliyeed.
  • Dhalinyarada
  • Sare u qaadida, tayeynta iyo wacyi gelinta dhalinyarada gudaha iyo dibadaba
  • In loo sameeyo fursad wax barasho, aqoon kororsi, shaqo abuurid iyo xirfad u sameyn
  • In lagu dhiiri geliyo ka qeybqaadashada horumarka dalka, ka hortaga tahriibka iyo darbi jiifka maadaama ay dhalinyaradu tahay laf dhabarka horumarka dal kasta
  • In la abuuro Fursado Wax barashada Aas Aasiga ah oo lacag la’aan ah.
  • Haweynka
  • In la xoojiyo lana ilaaliyo xuquuqda haweynka ee dhan kastaba
  • In haweeynku ka qeyb galo huggaanka xisbiga iyo kan dalkaba.
  • In haweeynku qabto shaqo kasta oo ay hanan karaan ama awood u leeyihiin si waafaqsan sharciga dalka.
  • Anshaxa
  • In la ciribtiro anshax xumada iyo balwadaha Maanka Dooriya laguna badalo dhaqan suuban.
  • In la dhiiri geliyo dhaqan wanaaga qoyska lana xaliyo qilaafaadka ka dhasha qoysaska dhexdooda xisbiga dhexdiisa.
  • Siyaasadda Dibadda Xisbiga Iyo Qarankaba
  • Ka Qeybqaadashada sugida amniga caalamka
  • Horumarinta iskaashiga caalamka si waafaqsan dastuurka dalka iyo xeerarka caalamka
  • In dib u habeyn lagu sameeyo siyaasadda ku wajahan beesha caalamka iyo hab wax ku qeybsiga gudaha soomaaliya loona gudbo habka xisbiyada badan iyo doorasho qof iyo cod ah.

Danta guud In laga hormariyo danta gaarka ah.

 

Qaab dhismeedka XISBIGA MJS

  1. Golaha Hogaaminta Xisbiga
  2. Golaha Wakiilada XIsbiga
  3. Golaha Fulinta Xisbiga
  4. Gudiyo Madaxbanaan
  5. Wakiil Maamul Goboleed
  6. Hawlwadeeno Heer Gobol
  7. Hawlwadeeno Heer Dagmo
  8. Hawlwadeeno Heer Tuulo
  9. Xubnaha Xisbiga

 

 

 

Kala Sarreynta Dhismaha Xisbiga MJS.

Xisbiga MJS Wuxuu Leeyahay Gudoomiye,Gudoomiye Ku Xigeeno, Xog’haye Guud, Madaxa Garabka Haweynka, Madaxa Garabka Dhalin Yarada Xisbiga Garyaqaanka ama Qareenka Xisbiga,,Xisaabiyaha Guud Iyo Hanti Dhowrka Xisbiga Oo Lagu Ansixiyo Shantii Sanaba Mar Shir Weynaha Xisbiga,Doorashada Xisbiga Dhexdiisa kadib.

 

Golaha Wakiilada Ee Xisbiga XMJS.

Xisbiga MJS Golohiisa Wakiilada Waxa Ay Ku Yimaadaan Doorasho Heer Tuulo,Heer Degmo Iyo Heer Gobol Ah Waxayna ka Koobanyihiin 275-Xubnood Tuulo Kastana Waxa Ay Leedahay 21-Xubnood Oo Golo Deegaan Ah Sidaas Si Lamid Ah Waxa Ay Degmada Leedahay 21-Xubnood Oo Ka Kala Imaanaya tuulooyinka Ay Ka Koobantahay Degmada Sidaas Si Lamid Ah Gobolkana Waxa uu Yeelanayaa 21-Xubnood Oo Ka Kala Imaanaya Degmooyinka Uu Ka Koobanyahay Gobolka Islamarkaana Waxaa Golaha Wakiilada Gobolka U Matalaya Hadba Kuraasta Qoonda Ahaan Uu Gobolkaasi U Leeyahay.

Tirada Guud Ee Golaha Wakiilada Ee Xisbiga MJS Waa 275-Xubnood Oo Ka Kala Imaanaya 18-ka Gobol Ee Uu Dalka Ka Koobanyahay Wixii kororsiima Ah Ama Dhimid Ah Waxay Ansax Ku Noqonayaan Shir Weynaha Xisbiga.

Xisbiga  MJS Wuxuu Leeyahay Form Uu Buuxiyo Qofka Ka Midka Noqonaya Xubnaha Xisbiga Heer Tuulo,Heer Degmo,Heer Gobol Iyo Heer Qaran Oo Ay Kor Ka Saarantahay Astaanta Xisbiga.

formka xmjs sax (2)

REF:________________                                                                                                                                                                                        Date:___/_____/____

Foomka kamid noqoshada Xisbiga M.J.S

SUB:_____________

  • Magacaaga oo Afaran———————————————————–
  • Magacahooyadaa:________________________________
  • Halka aad ku dhalatay:_________________________________________
  • Tarikhda dhalashada:______________________________________
  • Heer aqooneedkaaga wax barasho__________________________________________
  • Xirfadda takhasuskaaga :_________________________________________________
  • Shaqooyikii aad soo qabatay:____________________________________________
  • Halka aad dagantahay:_________________________________________
  • Xaas/Nin maleedahay:_________________________________________
  • Imisa xaas :________________________________________________
  • Caruur madhashay:_________________________________________
  • Waa imsa tirada guud ee caruurta:___________________________________________

Telphone_____________ iyo E-     mailkaaga________________

Ma Balan Qaadeysaa Bixinta KHidmada Diiwaan gelinta iyo Qaaraanka Billaha ah ee XISBIGA.MJ.S?————/

 

Fekerka Guud Ee Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Soomaaliyeed

X.M.J.S. Waa xisbi siyaasi ah oo dalka ka jira. Waxaa la aas aasay 29/09/1996.                                                                                                                                                                                                                                                                                   Waxaana lagu

Dhawaaqay 06/08/1998. Hotelka Happy ee magaalada muqdisho. Waa xisbi u                   dhaxeeya

Soomaalida oo dhan. Oo aan ku dhisnayn qabiil. Wuxuu ka soo horjeedaa qoriga. Qabyaalada.Quursiga iyo Eexda.

Qofkii xisbigan ka mid noqda waa ka mamnuuc 4-ta magac ee aan kor ku

Soo sheegnay. Hadii lagu arkana wuxuu luminayaa xilka iyo xubin nimada xisbiga,waana in uu

U hogaansamaa qaanunka u degsan xisbiga,Xeerka Axzaabta Siyaasadda Dalka,kan Doorashooyinka,iyo DHamaan Xeerarka Hab dhaqan ee Khuseeya Axzaabta, Dhowraana kan qaranka. Ixtiraamaana ku wa

Caalamka,Hadii aaney ka Hor imaaneyn SHareecadda Islaamka.

Qofkii kamid noqda xisbigan magali karo xisbi kale

Hadii aad aqbashay ka mid noqoshada xisbiga. Saxiix warqadan_____________

Soona raaci  2  masawir iyo gal

 

Saxiixa  Xog-hayaha Guud ee xisbiga. M.J.S._______________

 

               

 

Golaha Fulinta Ee Xisbiga MJS

Gudi Fulin Oo Ay Soo Doortaan Wakiilada Heer Gobol,Heer Degmo Iyo Heer Tuullo Kuwaasoo Ay Ku jiraan Xisaabiyaha Guud Garyaqaanka Iyo La Taliyaha Xisbiga  (Advicer).

 

 

Xubnaha Gudiga Fulinta Xisbiga M.J.S Waxay Kala Yihiin

 

  1. Gudiga Xiriirka Dibadda Iyo Iskaashiga Caalamiga                           XMJS
  2. Gudiga Xiriirka Gobolada Iyo Arimaha Gudaha                                  XMJS
  3. Gudiga Caddaaladda Xalinta Qilaafaadka Iyo Amshaxa                     XMJS
  4. Gudiga Maaliyada Iyo Hantida                                                                 XMJS
  5. Gudiga Dhaqanka Iyo Dib’u heshiisiinta                                                XMJS
  6. Gudiga Hooyada Dhalaanka Iyo Cilmi baarista                                     XMJS
  7. Gudiga Bey’adda Iyo Dhowrista Deegaanka                                           XMJS
  8. Gudiga Samafalka, Abaabulka Iyo Dhowrista Xuquuqda Aadanaha  XMJS
  9. Gudiga Dhalinyarada Jaaliyadaha Iyo Sportiga                                      XMJS
  10. Gudiga Maalgashiga Iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha                                XMJS
  11. Gudiga Madaxa Banaan Ee Doorashooyinka Iyo Xeerka Doorashooyinka Xisbiga Dhexdiisa. XMJS

Wakiilada Maamul Goboleedyada

 

  1. Wakiilka Gobolka Banaadir           XMJS
  2. Wakiilka Puntland                           XMJS
  3. Wakiilka Gal-mudug                       XMJS
  4. Wakiilka Jubba-land                       XMJS
  5. Wakiilka Koonfur-Galbeed            XMJS
  6. Wakiilka Hir-shabelle                     XMJS

 

Dhammmaan wakiilada Maamul goboleedyada waxaa hoos imaanaya Hawl wadeenada heer Gobol ee uu ka koobanyahey Maamul goboleed kasta.

 

 

Sidoo Kale Xisbiga MJS Xubnahiisa Waxa Ay Leeyihiin ID-Card’s Cadeynaya Xubinta Xisbigu Heerka Ay Ku Matasho Xisbiga.

Xisbiga Midnimada JS Wuxuu Leeyahay Profile, Xeer Guud Iyo xeer Hoosaadyo Gudiyadu Ku Dhaqmaan Heer Walba.

Share on Facebook