Ruushka iyo Faransiiska oo Madaxweynayaashoodu Kulan yeesheen/maxey ka wada hadleen?.

0
384

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa u sheegay dhiggiisa Ruushka, Vladimir Putin, in hubka Kiimikada ah oo lagu dhex adeegsado Suuriya tahay arrin khad cas ah oo aan la qaadan karin, Faransiiskuna jawaab degdeg ah ka bixin doono hadiiba ay dhacdo.

Isagoo ka hadlayey shir jaraa’id oo uu ka muuqday in is maan dhaaf jiro, ayaa madaxweyne Macron wuxu sheegay in diidmada ay arrintan ka qabaan uu si cad ugu qeexay kulan ay isaga iyo Putin ku yeesheen qasriga Versailles, halkaas oo lagu xusayey heshiis laba geesood ah oo saddex boqol oo sano ka hor ay labada dal wada saxiixdeen.

Laakiin madaxweyne Macron wuxuu sidoo kale sheegay in uu doonayo in ay iskaashi xoogan ka yeeshaan arinta Suuriya, waxaanu intaa ku daray in la dagaalanka argagixisadu yahay ujeedo midaysaysa labada dal.

Labada nin waxa ay ku heshiiyeen in ay kulan dambe oo Jarmalkuna ka qayb gelayo ka yeeshaan arimaha Ukraine, laakiin madaxweyne Putin ayaa sheegay in cunoqabatayn la saaro Ruushku aanay midho dhal noqon doonin.

warsom2011@gmail.com