Gen.C/laahi Cali Canood Abaanduulaha Ciidanka Xogga Dalka oo sheegey in ay u diyaar garoobayaan dagaal ka dhan ah Al-shabaab..

0
485

 Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood, ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay diyaar garow xoogan ugu jiraan sidii loola dagaalami lahaa Al shabaab.

Generalka ayaa dhinaca kale sheegay in uu shacabka ka codsanayo in ay taageeraan ciidanka maadaama ay qaadayaan howlgallo dagaal oo ka dhan ah Al Shabaab, sida uu hadalka u dhigay.

“Howlaha ugu muhiimsan waxa ay tahay inaan galno howlgallo ka dhan ah Al shabaab, diyaar garow fiican ayaan ku jirnaa, saacadkasta ayay bilaaban kartaa, annaga oo fulineyno awaamiirta madaxdeena, waxaana rabnaa inaan qaadno howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab”ayuu yiri Abaanduulaha Ciidanka Xoogga dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farnmaajo ayaa sheegay in muddo laba sano gudahood ah ay dowladdiisu Al-Shabaab kaga saari doonto dhamaan meelaha ay haatan kaga sugan yihiin Soomaaliya, ayna ka hirgelin doonaan maamullo.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad lagu xusayay sanad-guurada 57-aad ee ka soo wareegtay aas aaska ciidanka xoogga dalka oo ku beegan 12-ka April, munaasabadaas oo lagu qabtay magaalladda Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa dhawaan u qabtay dagaalyahanada Al-Shabaab inay isu soo dhiibaan dowladda muddo 60 maalmood ah, kuna dhawaaqay in dalku uu galay xaalad dagaal.

Al shabaab ayaa hadda maamusha deegano ka tirsa dalka Soomaaliya, waxaana sidoo kale ay qaadaan weeraro ka dhan ah dowladda iyo ciidamada Midowga Africa ee AMSIOM.

warsom2011@gmail.com