Tirada Dadka ku dhintey Qaraxyada sanankan oo lasoo bandhigey.

0
410

Sanadkan 2017-ka, 337 qof oo shacab ah ayaa ku geeryooday 87 Qarax oo ka dhacay Soomaaliya. Khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaaray qaraxyada ayaa 50% sara u kac uu ku yimid marka loo eego sanadkii 2015.

Qaraxyadaasi ayaa inta badan waxaa ay ka dheceen magaalladda caasimada ee Muqdishu.

Haddaba WARSOM ayaa la hadashay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qaraxyada.

“Waxaan goob yar oo ganacsi ku lahaa Suuqa Beerta, halkaas oo uu ka dhacay Qarax gaari, qof caawisay ma jirto dhamaan dadkii ku dhaawacmay Qaraxaasi, dhamaantood waxaa ay ahaayeen dad shacab ah”, sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadkii ku dhaawacmay Qarax ka dhacay Suuqa Beerta.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay, qaar kalena weey ku dhaawacmeen Qaraxii ka dhacay Suuqa Beerta.


Dhinaca kale 09, bishan April, 2017 ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeryootay, halka 20 kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii qarax gaari loo adeegsaday uu ka dhacay meel u dhow wasaaradda Gaashaandhigga ee ku taalla magaalladda Muqdishu.

Dadka ku geeryooday qaraxa waxaa ay u badnaayeen dad rayid ah oo saarnaa gaari nooca Hoomeyda ah oo mareysay wadada, xiligii uu qaraxa dhacaayay.

06 bishan April, 06, 2017,  Gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah ayaa miino kula qaraxday deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ugu yaraan 20 Qof ayaa ku dhimatay qarax gaariga caasiga ah.

Gaariga ayaa ka soo baxay magaalladda Buulamareer ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana uu ku soo socday magaalladda Marka ee xarunta gobolka.

Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca amniga gobolka Shabeellaha Hoose Cali Nuure, ayaa sheegay in gaarigaasi ay saaraayeen 21 qof uu darawalkii oo kaliya ka badbaaday, intii kalena ay qaar dhinteen qaarna dhaawac yihiin.

Werarro kale oo qaraxya ah ayaa dhacay 2017 oo khasaare badan iyagana dhaliyay.


Wakiilka Qaramada Midoobe ee Soomaaliya SRSG Ambassador Keating, ayaa sheegay in uu cambaareynayo Qaraxyada dadka rayidka ah ay ku waxyeeloobayaan ee mar kasta ka dhacay Soomaaaliya.

Qaraxyadii sanadkan 2017 ka dhacay magaalladda Muqdishu, ayaa noqday kuwo aad u farabadan, iyadoo ciidanka dowladda Soomaaliyana ay wadaan howlgallo xoogan oo amniga lagu xaqiijinayo.

“Weerarrada lagu qaadayo dadka rayidka ah waa kuwo aan loo cudur daari karin. Waxaan si gaar ah murugada ula qeybsanayaa qoysaska carruurta naftooda ku waayay Qaraxyada. Tani waa jid qalloocan oo ka baxsan bani’aadanimada,  raadna kuma lahan raadinta siyaasada, lagumana guuleysanayo” Keating ayaa sidaasi yiri.

Madaxweyne Farmaajo muxuu ka yiri dagaalka ay dowladda kula jirto Al Shabaab?

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dalka uu ku jiro xaalad dagaal, taas oo ujeedadeedu tahay in dadka hurada laga kiciyo, sida hadalka uu u dhigay.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa yiri, ‘’Dowladda waxaa ka go’an in mudo labo sano ah ku soo afjarto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, haddii aysan u dhaganuglaan baaqa dowladda ee ah in ay hubka iska dhigaan wada xaajoodka aqbalaan goobaha ay joogaan ayaan ugu tagi doonnaa’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

 warsom2011@gmail.com