Qarax Miinada Dhulka lagu aaso oo maanta lala eegtey Gaadiid ay wateen Guddiga Gurmada Aabaaraha.

0
419

Kolonyo ay la socdeen xubno ka tirsan Guddiga Abaaraha Qaranka, maamulka Gobolka Banaadir iyo marti kale ayaa Qarax miino lagula eegtay duleedka magaalladda Muqdishu.

Qaraxa ayaa waxaa uu ka dhacay agagaarka Sarkuusta ee duleedka Muqdishu.

“Qof dhaawacmay ma jirto balse Qaraxa wuu jiraa, kolonyada waxaa la socday Guddiga Qaranka Abaaraha, maamulka Gobolka Banaadir iyo dad kale oo marti ah”, sidaasi waxaa yiri Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, oo ka tirsan Guddiga Gurmadka Abaaraha.

Sidoo kale Sheekh Nuur, ayaa sheegay in mid ka mid gawaarida la socday kolonyada in uu gaaray bur-bur xooggan.

Wafdiga Qaraxa loo dhigay ayaa ka baxay Magaalladda Muqdisho, waxaana ay ku siijeedeen Degaanka Garasbaaley oo ay ku suganyihiin dad kasoo carraray Abaaraha ku dhuftay Gobollada dalka Soomaaliya.

Qaraxa kadib wafdiga ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, iyagoo baajiyay Safarkoodii.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxa.

16-kii bishan April,  Kolonyo ay la socdeen shaqaalaha Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP, ayaa qarax lagula eegtay meel u dhow deegaanka KM-13 ee duleedka magaalladda Muqdisho.

Kolonyada ayaa la sheegay in ay ka koobnaayeen labo gaari oo nooca raaxada.

Guddoomiye ku-xigeenka Deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho Cali Xasan Cali, ayaa sheegay in aanu jirin wax khasaare ah oo gaaray shaqaallaha hay’adda WFP.

Hay’adda WFP, ayaa sheegtay in labo ka mid ah askar la socotay kolonyada ay dhaawacmeen.

Xarakadda Al Shabaab ayaa Qaraxaasi sheegatay.

Qaraxyada miinooyinka ayaa kusoo batay deegaannada Gobolka Shabeellaha hoose iyo duleedka magaalladda Muqdishu, waxaana inta badan lala eegtaa ciidamada Midowga Africa, kuwa dowladda Soomaaliya iyo dadka kale ee Al Shabaab bartilmaameedka u ah.

warsom2011@gmail.com