Horudhac Ciidamo American ah oo Muqdisho soo gaarey.

0
404

Ciidamo American ah ayaa loo soo daabulay magaalladda Muqdishu ee Caasimada Soomaaliya, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah.

Ciidanka ayaa gaaraya tira ahaan daraasiin waxaana tababaro ay siin doonnaan ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, ee dagaalka kula jira Xarakadda Al Shabaab.

Tiro kooban oo ciidamo ah ayaa 2-dii bishan ka degay magaalladda Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Somalia.

Ciidamada Mareykanka ee Muqdishu hadda jooga, ayaa noqonaya  ciidamadii ugu horeeyay ee Militeriga dowladda Mareykanka ka tirsan ee Soomaaliya soo gaaray, marka laga soo tago tiro yar oo ah lataliyayaal dhinaca la dagaalanka argagixisada oo haray Soomaaliya usoo gaaray.

Mareykanka wax ciidan militeri ah kama joogin Soomaaliya tan iyo bishii March ee sanadkii 1994, xiligaas oo ciidamadii Militeriga Mareykanka laga saaray howlgalkii faragelinta UN-ka ee Soomaaliya.

Shan bilood kadib xiligaasi, 18 askari oo American ah ayaa waxaa lagu dilay magaalladda Muqdishu waxaana dilkooda laga sameeyay filimkii caan baxay ee Black Hawk Down.

“Ciidanka dowladda Mareykanka waxaa ay fulin doonaan wadashaqeyn dhinacyo kala duwan ah inta ay Soomaaliya joogaan, si loo caawiyo isbaheysigeena iyo saaxiibadeena”, sidaasi waxaa yiri Afhayeenka U.S. Africa Command Pat Barnes.

12-kii bishan April,  Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khudbad ka jeedinayay munaasabada xuska 57 sano guuradii ka soo wareegtay aas-aaska ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa sheegay in dowladda diyaar u tahay wadahadal lala galo madaxda Al-shabaab.

‘’Waxaan leenahay hogaamiyaasha Al-shabaab mudo 10 sano ka badan ayaa dagaalameyseen, waxa aad leyneysaan oo aad hantidooda bur burineysaan waa dadkiinii, hubka iska dhiga oo noo imaada, waxaan diyaar u nahay in aan wada xaajood idinla furmo”, ayuu yiri madaxweynaha dowladda Soomaaliya.

‘’Dowladda waxaa ka go’an in mudo labo sano ah ku soo afjarto dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, haddii aysan u dhaganuglaan baaqa dowladda ee ah in ay hubka iska dhigaan wada xaajoodkana aqbalaan goobaha ay joogaan ayaan ugu tagi doonnaa’’ ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

warsom2011@gmail.com